17,99 €
inkl. MwSt.

Versandfertig in 1-2 Wochen
payback
9 °P sammeln
  • Broschiertes Buch

Qiimaynta Buugga Buugga "RAGAAD", Waa Buugg Aan Ku Lafaguray Dhibaatooyinka Guud Ee Bulshada Soomaalida Khataraha Badan Kuhaya. Wuxuu Buuggu Falaqayn iyo Faaqidaada Qodo Dheer Kusamaynayaa , Dhibaatooyinka Wadaaga ah, Ee Bulshadu Usimantahay.Waxaana Soocay Todobaatan iyo Shan (75) Dhibaato, Oon Kasoo Xulay Boqolaalka Dhibaato , Ee Bulshadeena Soomaalida , Qayr-kood Kareebay. Iyada oon Ukala qaaday Shan Qaybood/Cutub, Oo midkiiba Ay, Hoostagayaan Daraasiin Mushkilado Ah , oo ku heedaman Bulshadeena. Waxayna Kalayihiin, Shanta qaybood/Cutub:- Dhibaatooyinka Arimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo…mehr

Produktbeschreibung
Qiimaynta Buugga Buugga "RAGAAD", Waa Buugg Aan Ku Lafaguray Dhibaatooyinka Guud Ee Bulshada Soomaalida Khataraha Badan Kuhaya. Wuxuu Buuggu Falaqayn iyo Faaqidaada Qodo Dheer Kusamaynayaa , Dhibaatooyinka Wadaaga ah, Ee Bulshadu Usimantahay.Waxaana Soocay Todobaatan iyo Shan (75) Dhibaato, Oon Kasoo Xulay Boqolaalka Dhibaato , Ee Bulshadeena Soomaalida , Qayr-kood Kareebay. Iyada oon Ukala qaaday Shan Qaybood/Cutub, Oo midkiiba Ay, Hoostagayaan Daraasiin Mushkilado Ah , oo ku heedaman Bulshadeena. Waxayna Kalayihiin, Shanta qaybood/Cutub:- Dhibaatooyinka Arimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Horumar la'aanta, Siyaasada, Saxaafada iyo Xadaarada Tiknoolajiyada, iyo Dhibaatooyinka Dabiiciga ah.Waxaan isku Dayay innaan dhibaato walba Sharaxaad Yar kabixiyo, Sababta keenta, Saamaynta Taban ee Bulshada Uleedahay iyo Xalka Looga Bixikaro. Mudada Aan Qoraalka Buugga Ku Gudajiray Waxaan Adeegsaday, Erayada iyo Lahjada aan Isleeyahay Bulshada Soomaalidu Meelkasta oo ay Joogto, Wayfahmikartaa . Sidookale Waxaan Meelaha Qaarkood Isticmaalay, Xiggasho Sugaan, Odhaaho iyo Gabayo Aytiriyeen, Abwaano Hore , oo Soomaaliyeed iyo Kuwo Aan anigu shaqsiyan Alifay, Si'aan Fahanka Akhristaha Ugaadhsiiyo, Meeqaamka Aan Higsanayo, ee ah, Fahanka Guud. Ugu Danbayn Waxaan Bulshada Soomaalida Ku Boorinayaa Innay Akhriyaan, Buuggan, Cilmiga iyo Khibradaha Ku Xardhana, Wixii Ka'anfaca Kadhaansadaan. Mahadsanidiin. Wabilaahi Tawfiiq.
Hinweis: Dieser Artikel kann nur an eine deutsche Lieferadresse ausgeliefert werden.
Autorenporträt
Abdiresak Sahane Elmi, Waa Aqoonyahan, Haysta shahaada Masterka ahna Qoraa Soomaaliyeed, oo Qoray Buuggagta kala ah, "A promising Future for Young Africans" iyo Buugga " A Painful, Useful Story 1825 Nights Of Prison" Abdiezak Sahane Elmi Waa Siyaasi iyo Masuul Hore oo Xilal badan kasoo qabtay, Dawlada deegaanka soomaalida itoobiya;- Sida Maayarka Magaalada Jigjiga, Maayirka Magaalada Qabridahar, Kumishineerka Booliska dawlada deegaanka soomaalida, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Farsamada (TVET), Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta ahna Lataliyaha Madaxwaynaha DDS.