18,99 €
inkl. MwSt.

Versandfertig in über 4 Wochen
  • Broschiertes Buch

Buuggu wuxuu ku saabsanyahay billawgii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Sheekada buugga waxaa tebinaya Cali Faarax oo ah wiil reerkiisa la nool, gaar ahaan, aabihiis iyo laba xaas ee uu qabo. Cali hooyadiis oo garoob ah baa magaalada dhinac ka dagan, laakiin, in uu mar mar soo salaamo, ama lasoo seexdo mooyee, lama noola. Cali oo noloshiisa ay u ku ekayd iskuul aadis iyo banooni dheelid, buu dagaalku qarxayaa, deetana, aabihiis oo ka mid ahaa aas aasayaasha jabhaddii USC, dalkana ka baxay darteed, buu hal mar isku badalayaa aabihii reerka, oo eedooyinkii ay is necbaayeen noqonayaan saaxiibo…mehr

Produktbeschreibung
Buuggu wuxuu ku saabsanyahay billawgii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Sheekada buugga waxaa tebinaya Cali Faarax oo ah wiil reerkiisa la nool, gaar ahaan, aabihiis iyo laba xaas ee uu qabo. Cali hooyadiis oo garoob ah baa magaalada dhinac ka dagan, laakiin, in uu mar mar soo salaamo, ama lasoo seexdo mooyee, lama noola. Cali oo noloshiisa ay u ku ekayd iskuul aadis iyo banooni dheelid, buu dagaalku qarxayaa, deetana, aabihiis oo ka mid ahaa aas aasayaasha jabhaddii USC, dalkana ka baxay darteed, buu hal mar isku badalayaa aabihii reerka, oo eedooyinkii ay is necbaayeen noqonayaan saaxiibo nolosha iska fiirsada. Buuggu wuxuu ka sheekaynayaa hooggii iyo ba'ii Xamar ka dhacay 1991-dii oo ay ka mid ahayd dagaalladii, qaxii magaalada dhexdeeda, iyo safarradii cabsida iyo dhibaatada badnaa ee Xamar looga baxay.
Autorenporträt
Cabdirisaaq waa qoraa, saxafi, film-sameeye iyo bare muddo dheer dhigayey afka Ingiriiska. Buugtiisa waxaa ka mid ah "English Grammar for Somalis", 268 pp. Banaadir Books, 1995 "In The Name Of Our Fathers", 1996, "Taariikh Soomaaliyeed", 2000, "Danish Grammar for Somalis", 2002. Qoraagu wuxuu ku nool yahay dalka Denmark.